Madaxda Ciidammada Amniga Ee Srilanka Oo La Eryayo, Ka Dib Qaraxyo Lagu Hoobtay

Srilanka (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Srilanka Maithripala Sirisena ayaa Saraakiisha ugu sarraysa Ciidammada amniga ee Dalkaasi ugu baaqay inay Iscasilaan, Salaasadii Shalay.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha Difaaca ee Dalka Srilanka iyo Taliyaha ugu sarreeya Ciidammada Booliska ugu  baaqay inay shaqada iska casilaan, ka dib markii Ciidammada amnigu ku fashilmeen inay ku shaqeeyaan Digniin soo baxay, ka hor Qaraxyada ka dhacay Dalkaasi Maalmihii lagu jiray Xus Diimeedka Easter.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Maithripala Sirisena, aaya lagu sheegay in Madaxweynuhu uu waydiistay inay is casilaan Xoghayaha difaaca Hemasiri Fernando iyo Taliyaha Ciidammada Booliska Pujith Jayasundara, laakiin ma Cadda masuuliyiintan ka la cadhayn doono.

Madaxweyne Sirisena oo Salaasadii khudbad Dadweynaha uga jeediyey Telefiishanka, ayaa sheegay inuu qorsheeyay inuu muddo 24 Saacadood  gudahood ah ku beddeli doono Madaxa Ciidammada difaaca Srilanka.

Ug dambayn, Qaraxyo lagu weerarray Saddex kiniisadood iyo 3 Huteel oo ku yaalla Dalka Srilanka, ayaa waxa ku dhintay dad gaadhaya 350 Qof oo u badnaa reer Srilanka, halka ay ku dhaawacmeen Dad ka badan 500.

Srilanka ayaa Qaraxyadan ku eedaysay laba Urur Diimeed oo Maxali ah, laakiin waxa Shalay ku dhawaaqday inay ka dambaysay kooxda Caalamiga ee DAACISH.

Doraad ayaa la bilaabay in Aas Wadareed loo sameeyo Dadkii ku dhintay Qaraxyada Srilanka, hawshaasi oo illaa hadda socota.

 

Horn Cable Tv

Waaxda OLINE-ka