Iran Oo Maraykanka Ku Dhaliishay Dadkii Sucuudigu Dilka Ku Fuliyey

Tehra, (HCTV) – Wasiirka Arimaha dibada dalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa ku eedeeyey maamulka Madaxweyne Donld Trump in aanu Cambaarayn talaabadii Sucuudigu uu ku laayey dadka tirada badan ee jiray Jeelashada dalkaasi.

Dalka Sucuudi Arabiya ayaa maalintii shalay madaxa ka jaray 37 qof oo la sheegay inay ahaayeen argagixiso dambiyo qorshaysan ka maleegayey dalka Sucuudiga.

“Kadib markii la jarjaray suxufigii, Maamulka Madaxweyne Trump si fudud ugamay hadal, balse markii Saudi-gu ay madaxa ka gooyeen 37 ragg ah maalin qudha – oo ka dambaysay munaasibadii Easter-ka,” ayuu Mr Zarif uu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo Telefishanka HCTV ka soo xigtay.

Hase yeeshee dhawaaqan ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Iran ayaa ku soo beegmaya xili dawladaha Tehran iyo Washington ay ciidamadooda milatariga u aqoonsadeen Argagixiso.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA