Kharashkii Doorashada Oo Weli Ku Maqan Xukuumadda Iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha

Hargeysa (HCTV) – Kulankan oo ka dhacay xarunta komishanka Doorashooyinka Somaliland ayay isku soo hor-fadhiisteen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Guddida Doorashooyinka, waxaana kulankaasi lagaga wada-hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa in doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo wakiilada ay ugu dhici lahaayeen wakhtigii loogu talogalay.

Kulankan oo aan warbaahinta loo soo bandhigin waxyaabihii ay ka wada hadleen xisbiyada iyo guddidu, haddana xogo uu Horn Cable Tv ka helay ayaa sheegay in lagaga dooday caqabadaha hor-taagan in doorashadu wakhtigeedii ay ku dhacdo, waxaana Guddida doorashooyinku ay u sheegeen Labadaasi Xisbi in aanay haynin waxyaabo ku xidhnaa dhinaca Xukuumadda iyo qaadhaan bixiyayaasha, taasi oo ilo-wareed uu la xidhiidhay Horn Cable u sheegeen in aanay dhamaystirnayn lacagtii loo qoondeeyay qabashada doorashada eek u xidhnaa dhinaca Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka.

Waxa kale oo guddida doorashooyinku ay sheegeen in sidoo kale ay Xukuumadda ka sugayaan in la dhamaystiro xeer Number 20- kaasi oo horyaala Golaha Wakiilada Somaliland.

Kulan ayaa xisbiga ucid waxa ugu qayb galay toddobada xubnood oo kala ahaa, ku xigeenka koowaad ahna ku simaha gudoomiyaha prof Qaasim Ibraahim  Tubeec, Musharax ku xigeenka Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan, Xoghayaha Guud Axmed Xirsi Ducaale, Xoghaye ku-xigeenka C/naasir Yuusuf Qodax, , Xoghayaha Golaha Dhexe Maxamuud Cali Muuse, Xoghayaha warfaafinta Yuusuf Keyse C/laahi iyo C/qani Ibraahim Salaf Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada iyo degmooyinka.

Halka Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ay isagana ugu qayb galeen Gudoomiye xigeenka Koowaad ee Xisbiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiye xigeenka Labaad Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud Xasan Siciid Yuusuf, C/casiis Maxamed Samaale iyo Xubno kale.

Waxa gabi ahaanba kulankaasi aan ka soo xaadirin Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo isaguna ku hawlanaa soo dhawaynta Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo dalka dib ugu soo laabtay, waxana wararka dheeraadka ah ee aan ka helnay Xarunta Komishanka Doorashooyinku noo sheegeen in aan loogu yeedhin inay ka soo qayb galaan kulankaasi.

 

Maxamed Kuraase

Horn Cable Tv

Hargeysa.