“Somaliland Waa Lagu Dhici La’yahay” Xildhiban Ka Mid Ah Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo dhalasho ka soo jeedda Somaliland, balse ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo jeedisay in Baarlamaanku uu Somaliland ka saaro Qorshe lagu eegayo Xuduudaha Maamul-gobolleedyada Soomaaliya, maaddaama oo aanay Dawladdu  lahayn awood ay ku faro-geliso Somaliland.

Xildhibaan Saynab oo hadal ka jeedisay Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegtay inay ka soo jeedo Somaliland, sidaa darteed soo jeedinayso in Baarlamaanka Soomaaliya uu Qorshihiisa ka reebo in la faro-geliyo Somaliland, maaddaama bay tidhi aanay Xubnaha Baarlamaanka ee maraya Gobollada Maamul-gobolleedyada Soomaaliya aanay ku dhici karin inay ka tallaabaan ama gaadhaan Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool.

Xildhibaannada oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Anigu ka tirsan nahay Somaliland, Somaliland iyo Puntland waxay isku haystaan Xuduudka, Raggan Madaxda u ah Guddiyada (Baarlamaanku) ma tageen meesha dagaalku ka socdo, Tuke-raq miyey tageen, markaas anigu waxaan la yaabanahay Somaliland oo dhan baa maqan, markaa haddaynaan lahayn awood aynu ku tagno Magaca Somaliland haka saaraan..”

Xildhibaan Saynab waxa kale oo ay sheegtay “Somaliland way iska Madax-bannaan tahay oo waa gooni, maxaa dhacay waa lagu dhici la’yahay, waa lagu dhici la’yahay in la tago oo Xuduudaheeda la soo maamulo, markaa waxaan leeyahay Somaliland meesha ha laga saaro oo faraha ha lagala baxo oo Xuduudaha yaan lagu soo darin…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka