IGAD Oo Soo Dhaweysay Go’aan Belgium-ku Ku Aqoonsaday Baasaaboorka Somalia

Djibouti, (HCTV) –  Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyey go’aan dawladda Belguimku ay ku aqoonsanayso baasaaboorka diblomaasiyadeed ee ay soo saarto dawladda Federalka Somalia.

Talaabadan urur goboleedka dalalka Geeska Afrika ee IGAD ay ku bohoobeen ayaa sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen maalintii shalay oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Fulinta ee urur Goboleedka Igad Mahboub Macalin oo nuqul ka mid ah uu helay telefishanka HCTV.

Waxaanu Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD uu ku tilmaamay talaabada dawladda Belguimku ay kor ugu qaadayso xidhiidhka ay la wadaagto Somalia mid muhiim ah.

Ambassador Mahbuub Macalin ayaa intaasi ku daray in talaabadaasi ay tahay mid loo qaaday dhinaca wanaagsan, isa markaana kor u qaadaysa kalsoonida beesha caalamka ee dawadda Somalia iyo hay’adaheeda lagu qabi karo.

Waxaanu tilmaamay in dawladda Belgium-ka ay ka rajaynayaan inay sii balaadhiso aqoonsiga Baasaaboorka Somalia, waxaanu ku dhiirigaliyey wadamada kale ee caalamku inay aqoonsadaan baasaaboorka ay soo saarto dawladda Federaalka ee Somalia oo ay u fiiseeyaan muwaadiniinta Soomaalida ah ee sita baasaaboorka Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA