Putin: Ruushku Waxuu Doonayaa Inuu Xaliyo Muranka Nuclear-Ka Waqooyiga Korea

Vladivostok, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un, kaas oo sheegay intii kulankaasi socday inay wadahadalo midho dhal ah ay ka yeesheen sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka ka taagan barnaamijka Nuclear-ka ee Pyongyang.

Madaxweyaha dalka Ruushku waxa uu sidaasi ka sheegay xili uu hadal ka jeedinayey kulan ay ku yeesheen labada hogaamiye magaalada Vladivostok maanta oo khamiis ah, waxaanu Mr Putin uu sheegay in isaga iyo Kim Jong Un ay is-dhaafsadeen afkaar ku saabsan sidii xaalada hada taagan looga gudbi lahaa ee horumar looga gaadhi lahaa khilaafka Nuclear-ka ee jira.

Sidoo kale hogaamiyaha dalka Waqooyiga Korea ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in kulanka uu la yeeshay Putin uu yahay mid midho dhal ah oo ay ka doodeen habka nabada seeska loogu dhigi lahaa.

Kulankan labada hogaamiye ee mudada dheer xulafada soo ahaa ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay yeehsaan waxaana Waqooyiga Kuuriya uu eegi doonaa sida gacan looga gaysan karo muranka dhinaca nuclear-ka ee u dhexeeya iyaga iyo dawladda Maraykanka.

“Waanu wadahadalnay, dabcan, waxaanu ka hadalnay xaalada Gacanka Kuuriya, anaga oo idhaafsanayo artiyo ku wajahan sida iyo waxa aanu ka qaban karno, sidaa darteed waxa jira yididiilo lagu horumarin karo xaalada,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

HORN CABLE TV,

Waaxda online-ka