Hargeysa: Cirro Oo Cisbitaal Ku Booqday Weriye Boolisku Dhibaateeyeen

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Maanta Cisbitaalka Gargaar ku booqday Tifaftiraha Telefiishanka Bulsho Khadar Macalin Deeq oo Askari Boolis ahi dhaawac soo gaadhsiiyey.

Khadar Macalin Deeq oo Shan Maalmood ka hor isku dayey inuu Xalliyo gacan ka hadal dhex maray Askari ka mid ah Ciidammada Nabadgalyada waddooyinka iyo Nin Weriye ah, ayaa waxa Gacanta ula tagay mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka Taraafikada isla-markaana gaadhsiiyey dhaawac culus, kaasi oo ah in Misigtu laba meelood ka dillaacdo.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa isla Maanta Cisbitaalka gargaar ku booqday Weriye Khadar oo halkaasi yaalla, waxaanu marka koowaad u rajeeyay Caafimaad “Ilaahay nabar-gardaro ha kaaga dhigo, Caafimaad sareecana Ilaahay haku siiyo, Caafimaad baanu kuugu ducaynaynaa..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo Warbaahinta kula hadlaya Cisbitaalka dibeddiisa “Waxa farxad ii ah inaan soo booqdo Tifaftiraha Telefiishanka Bulsho ee Tacadiga loo geystay, dhaawacyo halis ahna qaba oo u baahan dhakhtar dibadeed..”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Somaliland saddex wax ayay ku caan baxday oo ay Magaca ku heshay, mid wuxuu ahaa Hanaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, laakiin waad ka war haysaan oo Gawraca ayay ugu jiidday Xukuumaddan iyo Xisbigeedii, midna wuxuu ahaa Saxaafadda xorta ah, tiina waad arkaysaan Maanta waxa dhacaya, midna wuxuu ahaa in Xuquuqal in la dhowro, laakiin tanba waa xuquuqal iinsaan lagu tuntay..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka