Somaliland Iyo Ireland Oo Isku Fahmay Xidhiidh Ay Yeeshaan

Nairobi, (HCTV) – Somaliland iyo Jamhuuriyada Ireland ayaa arkooday inay wadayeeshaan xidhiidh ganacsi oo qoto dheer labada dal.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Omar Bashe Awil iyo Ergayga Irish-ka u fadhiya dalka Kenya haweenayda la yidhaahdo Lisa Doherty ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, halkaas oo sidoo kale ay kaga wadahadleen inay is-dhaafsadaan Habka Wanaagsan ee dhinaca Beeraha iyo dhaqaalaha baddaha iskaga gudba.

Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray dedaalka Somaliland ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah, isl amarkaana ay wax uga baran lahayd khibrada dalka Ireland.

“Waaanu garawsanahay in Ireland ay muhiimad balaadhan leedahay maxaa yeelay waxa jira waxyaalo badan oo aanu ka baran karno iyaga, sidoo kalena aanu kala shaqayn karno oo ah dhinaca dhaqaalahayaga oo koraya” ayuu yidhi Baashe Cawil Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

Wadahadaladan ay yeesheen labada Wakiil ee Somaliland iyo Ireland ayaa daba socday kulan hore oo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uu ku tagay saddex sanadood ka hor Ireland, kaas oo Somaliland ay u arkaysay fursad muhiim ah oo ay ugu bandhigay arinteeda Aqoonsiga oo ay ka doonayso Irish-ka, isla markaana ay kor u qaaday in la ogaado dedaalada guusha ah ee ay ka gaadhay dhinacyada Nabada, Xasiloonida iyo Dimuqraadiyada, walow Somaliland ay ku taalo gobol kacsan,

Waxaana kulan ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha Ireland Michael D. Higgins ay xiligaasi isku afgarteen in Irish-ku ay hordhigaan kaalmada horumarineed ee Somaliland iyo dhinaca maalgashiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA