Xanuunka Jadeecada Oo Faro-baas Ku Haya Maraykanka

New York (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Xanuunka Jadeecadu Faro-baas ku hayo dalkeeda.

Xarunta ka hor-tagga iyo la dagaalanka Xanuunnada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya Maraykanka lagu arkay 695 Kiis oo Xanuunka jadeecada ah.

Xanuunkan oo sannadkii hore ka dillaacay New York iyo Gobolka Washington, balse la hakiyey ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu aad u fido, maaddaama oo sannadkan oo keliya la arkay 695 Qof oo cusub oo qaba Xanuunkaasi.

Inkasta oo Xanuunkani uu Maraykan ka dillaacay sannadkii 2000, ayaa soo noqnoqoshadiisa waxa sabab u ah in Fayrisku uu si fudud u fido, kuna fidi kara isku socodka Dadka dalalka iskaga gudba, maaddaama oo Xanuunka Jadeecadu yahay mid guud oo aan meel gaar ah ka jirin, sida ay sheegtay Xarunta CDC.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka