Shaqaalaha Talaalka Dabaysha Oo Lagu Laayey Pakistan

Islamabad, (HCTV) – Dablay ayaan haybtooda la garan ayaa shaqaale ka hawlgalayey cudurka dabaysha ku laayey dalka Pakistan, waxaana shaqaalahan lagu laayey deegaanka koonfurtgalbeed ee dalkaasi ku yaala ee la yidhaa Chaman, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawlada Pakistan.

Dablaydan ayaa rasaas ku furay koox ka hawlgalaysay shaqaalaha talaalka dabaysha xili ay ku sugnaayeen deegan fog oo miyi ah oo ka tirsan tuulada Sultan Zai, oo 100km kaga beegan gobolka Quetta, maanta oo khamiis ah.

“Maydka shaqaalaha xanuunka dabaysha ka hawlgalayey ayaa ka leenay deegaanka halka mid kalena oo dhaawac ahna la soo gaadhsiiyey cusbitaalka,” sidaasi waxa yidhi Agha oo ka mid ah dadka deegaankaasi shaqaalaha lagu laayey ka tirsan.

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baadi goob iyo raacdayn ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kuwii dilkaasi ka dambeeyey, waxaana si kumeel gaadh ah loo joojiyey hawlihii talaalka xanuunka dabaysha ee ka socday deegaamadaasi.

Xanuunka dabaysha ayaa ah xanuun halis ah oo bartilmaameedsada caruur farabadan oo ku nool dalka Pakistan, iyo dalalka kale ee Afghanistan iyo Nigeria.

Waxaana weerarada inta badan lala beegsado dadka ka hawlgala talaalka cudurka dabaysha keena khalad ay ka fahamsan yihiin dadka ku nool dalalkaasi iyo dacaayado laga fidiyo talaalka laftiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA