Xukuumadda Oo Xal U Raadinaysa Caqabadaha Siyaasadeed Ee Doorashada Ku Gudban

Hargeysa (HCTV) –  Xukuumadda Somaliland ayaa soo jeedisay in Hab Sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ku gedaaman doorashooyinka.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiista Maanta qabsoomay oo uu Shir-guddominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa waxa Golaha Wasiirradu ku go’aamiyeen in Caqabadaha siyaasadeed ee doorashooyinka looga gudbo hab waafaqsan Sharciga.

Qoraal ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa qayb ka mid ah lagu yidhi “Goluhu (Wasiirradu) isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin Qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka  la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan..”

Caqabadaha siyaasadeed ee ku gudban Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka, ayaa waxa ka mid ah isla-markaana ugu muhiimsan Muranka ka taagan Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kaasi oo aan weli wax Xal ah loo haynin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka