Safiirka Somalia Ee Ka Aamustay Cod QM U Qaadaysay Buuraha Golan-Heights Oo La Badalay

Muqdisho, (HCTV) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa sheegaya in la badalay Safiirkii Somalia u fadhiday Geneva ee dalka Switzerland Amb. Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insaaniya).

Waxa ay wararku intaa ku darayaan in Safiirada loo badalay dalka Hindiya oo ay noqoto safiirka cusub ee dalka Somalia u fadhiyi doonta dalka Hindiya, halka sidoo kale Safiirkii dalka Somalia u fadhiyey Hindiya Danjire Abyan Maxamed Saalax loo badalay Switzerland.

Safiirka Somalia u fadhiya dalka Switzerland Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa dhawaan looga yeedhay dalka Soomaaliya ka dib markii ay ka aamustay codbixin Qarmada Midoobay ay u qaaday buuraleeyda Golen Hights oo ay sheegatay dowladda Isreal, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in buuralaydaasi uu u aqoonsaday lahaanshaheeda dawladda Israel.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA