Wasiir Difaac Oo Isku Casilay Fadeexado Soo Waajahay

Srilanka (HCTV) – Xoghayihii Difaaca ee Dalka Srilanka Hemasiri Fernando ayaa isku iscasilay in Ciidammada amnigu ku fashilmeen inay ka hor-tagaan Weerarradii lagu hoobtay ee Dalka Srilanka ka dhacay Axaddii la soo dhaafay.

Saddex Kiniisadood iyo Saddex Huteel oo nooca lagu raaxaysto ah oo ku yaalla Dalka Srilanka ayaa Axaddii lala beegsaday Qaraxyo waaweyn, waxaana ku dhintay Dad ka badan 350 Qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 500 Qof.

Weerarradan Argagixiso oo lagu soo beegay Ciidda Kiristaanka ee loo yaqaano Easter oo Dalka Srilanka, ayaa khasaaraha ka dhashay awgeed waxa uu Madaxweynaha Dalkaasi u soo jeediyey Xoghayaha Difaaca iyo Taliyaha Booliska inay iscasilaan.

Xoghayaha difaaca, Mr. Hemasiri Fernando ayaa Telefiishanka Sri Lankan channel News First u sheegay inuu rabitaankiisa isku casilay, waxaanu yidhi “Waxaan go’aansaday inaan isku casilay doonistayda..”

Hemasiri Fernando oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in inta la soo magacaabayo qofka beddelayo uu Dawladda sii caawinayo “Ilaa Qof ku habboon loo helayo (Xoghayaha difaaca) waxaan sii wadayaa taageerada..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Cidda ku fashilantay inay ka hor-tagto Weerarrada Srilanka aanay ahayn oo keliya Wasaaradda Difaaca “Uma malaynayo in Cidda fashilantay tahay Wasaaradda difaaca, laakiin waxa doorkooda wada shaqayneed qaadan waayay Hay’ado..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka