Siyaasi 8 Sano Ku-xigeen U Ahaa Obama Oo U Tartamaya Madaxweynimo

USA (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa Khamiista Maanta ku dhawaaqay inuu Musharrax Madaxweyne u yahay Doorashada 2020-ka.

Joe Biden oo 8 Sannadood ku xigeen u ahaa Barack  Obama, 36 Sanadood-na ku jiray Aqalka Sanat-ka Maraykanka, ayaa Muuqaal uu ku baahiyey barta ku leeyahay Twitter wuxuu ku sheegay inaanu daawan karin waxa Madaxweyne Trump dalka ka samaynayo, sidaasi darteed uu Musharrax Madaxweyne yahay.

Joe Biden ayaa ah Musharraxa labaad ee ugu da’da weyn ee ka dhex tartamaya Xisbigiisa Dimuqraadiga, waxaana ka da’weyn Bernie Sanders oo 77 jir ah, halka uu isagu ka yahay 76 jir.

Mr. Biden wuxuu eedaymo u jeediyey Madaxweynaha xilka haya ee Maraykanka Donald Trump, kaasi oo uu ku tilmaamay Hoggaamiye hoos u dhigay sumcaddii uu Maraykanku adduunka ku lahaa “Haddaynu 8 Sannadood Guriga Cad siino, weligiiba wuxuu si aasaasi ah u beddeli doonaa sumcaddii Qaranka..” ayuu yidhi

Joe Biden ayaa waxa hor-taalla hawl adag, taasi oo ah inuu ka guulaysto Musharraxiinta Xisbigiisa dhexdiisa kula tartamaya, haddii uu Musharraxiinta Xisbigiisa ka guulaystana wuxuu noqon doonaa Musharraxa rasmiga ah ee doorashada Maraykanka ka dhacaysa 2020-ka uga qayb-galaya Xisbiga Dimuqraadiga ah, waxaanu tartan la geli doonaa Doland Trump oo Musharrax u ah Xisbiga Jamhuuriga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka