Kenya Oo Phillip Githiora U Astaysay Inuu Yagleelo Xafiis Ay Ku Yeeshaan Hargeysa

Nairobi, (HCTV) – Dawlada Kenya ayaa Mr Phillip Githiora u astaysay inuu sameeyo xafiis diblomaasiyadeed oo dawladda Kenya ay ku yeelato Caasimada Somaliland ee Hargeysa,

Sida ay qorayaan warbaahin kala duwan oo caalamka ahi.

Talaabadan Mr Githiora loogu asteeyey inuu sameeyo ayaa wax weyn ka badali doonta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo dawladda Kenya oo mudooyinkii u dambeeyey hor u kac uu yimid.

Dawladda Kenya ayaan iyagu wax xafiis ah ku lahayn Somaliland walow Somaliland ay xafiis iyo wakiil shaqeeya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Waxaana jira dedaalo dawladd Somaliland mudooyinkii u dambeeyey ay ku doonaysay inay kor u qaado xidhiidho ganacsi iyo maalgashi oo ay la yeelato Somaliland kadib markii dhawaan Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland uu shir caalamiya oo lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland uu kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA