Amb. Baashe Cawil Oo Ka Warbixiyey Xidhiidhada Uu La Sameeyo Safaaradaha Ku Sugan Nairobi

Nairobi, (HCTV) – Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa ka warbixiyey waxyaabaha uu qabto xafiiska Somaliland ee dalka Kenya, Kaas oo tilmaamay in kulano la yeeshaan dawladaha caalamka ee halkan (Nairobi) safaaradaha ku leh, isla markaana ay u bandhigaan qadiyada Somaliland iyo sidii ay xidhoodho ula yeelan lahaayeen.

Baashe Cawil, Safiirka Somaliland ee dalka Kenya ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefishanka HCTV, waxaanu sheegay in caalamku ay si weyn uga dharagsan yihiin qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Ambassador Baashe Cawil isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Guud ahaan Safaarada Somaliland ee dalka Kenya waxa uu ka kooban yahay Saddex ilaa Afar Waaxood ama qaybood ayaanu runtii xooga saarnaa ayaanu awooda saarnaa, qayb waxa weeyi oo aanu u adeegnaa bulshada iyadu ku dhaqan dalkan Kenya ama meelaha kale ka yimid ee uga baahan safaarada haday fiisayaal noqoto iyo haday noqoto fududayn waraaqo la Taskiidinayo.

Qaybta kalena waxa weeyaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Kenya ee halkan degan oo iyaguna u baahan wixii kaalmo ah, haday noqoto xagga sharciga iyo haday noqoto xagga waxbarashada, waxyaabaha ka xaniban oo iyagana aanu ka caawino.

Qaybta saddexaad oo iyaduna ah dalkan aanu joogno ee Kenya xidhiidhkiisa oo runtii ah qaybta ugu muhiimsan ee Safaaradan adeegeedu ka shaqayso sidii ay u hagaajin lahayd ama uga shaqayn lahayd cilaaqaadka labada dal. Mudadii aan xafiiskan joogay ee ilaa September wax badan ayaa noo qabsoomay, waxa tagtay wufuud badan oo xildhibaano iyo ganacsato dawlada ka socda oo dalka booqday, xagana sidoo kale waxa yimid wufuud ka socday Somaliland. Dhamaan kulanadaasina waxa ay qayb ka ahaayeen oo ay door weyn ka qaateen sidii looga shaqayn lahaa ee horumarin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil oo u waramayey Telefishanka HCTV.

Sidoo kale Ambassador Baashe Cawil uu ka hadlay kulamo uu la yeeshay safiirada dalalka Caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi, kuwaas oo uu sharaxaad ka siiyey Somaliland iyo mudadii ay jirtay.

“Waxaanu la kulanaa dawladaha caalamka ee halkan safaaradaha ku leh oo markaa aanu xidhiidho la samayno oo aanu usoo bandhigno qadiyada Somaliland iyo sidii wadahadalka Somaliland iyo Somalia loo dardar galin lahaa oo aanu rajaynayno inay ka soo baxaan midho anfaca Somaliland iyo Somalia iyo in insha allaahu aanu noqono laba dal oo walaalo ah oo si nabadgalyo leh u wada jira oo isku deris ah. Arintaana safiirada aanu la kulano ee Yurub, North America ama Afrika-ba ha noqdaane dhamaantoodna aad odhan karto way ka dharagsan yihiin qadiyada Somaliland,” ayuu yidhi Baashe Cawil, Safiirka Somaliland ee dalka Kenya.

Waxaanu sidoo kale Safiirku uu ka hadlay wakhtiga la qabanayo munaasibada 18-ka May oo sanad kasta la xuso, waxaanu tilmaamay in munaasibadaasi 18-ka May ay ku beegan tahay bisha Ramadaan, waxaanu tilmaamay in Dawladda Somaliland ay ku jirto qorshe sidii wakhti la isla qaadan maalinta xuskaasi maadaama oo ay Ramadaan ku soo beegantay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA