Hargeysa: Diin Sababay Isku Dhaca Laba Gaadhi

Caro-Yaanbo, (HCTV) – Laba gaadhi oo isku waydaaranayey tuulada Caro-yaanbo oo u dhaw buurta Caabudla oo kala badha magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley ayaa is jiidhay kadib markii mid ka mid ah labada gaadhi uu jiidhay Diin wadada ka talaabayey.

Shilkan gaadhi ayay ilo xogogaal ahi ay u xaqiijiyeen Telefishanka HCTV inay dhaawacyo ka soo gaadheen dadkii saarnaa gaadiidkaasi, kuwaas oo ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan.

Labada gaadhi ee isku dhacay ayaa waxa ka muuqda burbur soo gaadhay, balse ma jiraan wax dhimasho ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo Diinkii wadada ka talaabayey ee sababay shilka labada gaadhi oo isagu ku dhintay shilkaasi.

Dadkii saarnaa gaadiidkaasi isku dhacay ayay wararku sheegayaan in dhaawacyadii soo gaadhay lagaga dawaynayo cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana la ogyahay in Inta badan shilalka ka dhaca jidadka waaweyn ee isku xidha magaalooyinka Somaliland ay qayb ka yihiin sababta shilalkaasi keenta xoolaha iyo xayawaanka ka gudbaya jidka ay gaadiidku adeegsadaan.

Waxaanay xoolaha iyo xayaawanka nooli ay inta badan keenaan gaadiidka oo wadada ka baxa kadibna qalinba marka ay ka leexo is-yidhaahdaan xoolaha ama xayaawaanka ay jidka sida kadiska ah isugu yimaadaan, amaba in sidan oo kale inta duurjoogta Diinka iyo Waraabuhu uu ka midka yahah ay gaadiidku jiidhaan kadibna dheelitiranka gaadhigu ay lunto sidaana ay isugu dhacaan gaadiidka is-weydaaranayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA