Degdeg: Duqeymo Cirka Ah Oo Ka Dhacay Puntland

Iskushuban, (HCTV) – Duqeymo cirka ah ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow degmada Iskushuban ee gobola Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Wararka laga helayo deegaanka Isku-shuban ayaa sheegaya in duqayntaasi lala beegsaday kooxo ka tirsan ururada Al-shabaab iyo daacish oo iyagu deegaankaasi ku sugan, isla markaana mudooyinkii u dambeeyey uu dagaal ku dhexmarayay urada Al-shabaab iyo Daacish deegaamadaasi oo buuralay ah.

Duqeyntan cirka ayaa la sheegayaa inay ka dhacday degaanka Cameyra ee degmada Iskushuban maanta oo jimce ah, waxaana la rumaysan yahay in lala beegsaday kooxo ka tirsan ururadaasi oo halkaasi ku sugan.

Hase yeeshee ma jiraan ilaa iyo hadda cid xaqiijinaysa weerarkaasi dhinaca cirka ah, khasaaraha uu sababay iyo cidii ka dambaysay toona.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii duqayn lagu dilay hogaamiye ku xigeenkii ururka Daacish ee Somalia oo la yidhaahdo Cabdixakiin Dhuqub.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in weerarkan dhinaca cirka ah lala bartilmaameedsaday saddex goobood oo ka tirsan dhulka Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin ururada Al-shabaab iyo Daacish.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA