Diyaarad Ah Nooca Qumaatiga U Kaca Oo Ku Burburtay Ethiopia

Addis Ababa, (HCTV) – Diyaarad ah nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaano oo ay leedahay shirkadda MIDROC ee dalka Ethiopia  ayaa ku burburtay meel u dhow goobta la yidhaahdo Bole Bulbula ee Addis Ababa, oo aan sidaasi uga fogayn garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport.

Diyaaaradan ku burburtay dalka Ethiopia ayaa waxa saarnaa laba duuliye iyo shan rakaab ah, dhamaantoodna si nabad ah ayay uga samata-bexeen.

Burburka diyaaradan ayaa waxa sababay kadib markii uu mishiinkeedu shaqayn waayey xili ay doonaysay inay soo degto.

Shirkadda Trans National Airways oo hoostagta shirkadda MIDROC Ethiopia Technology Group oo ah shirkadd gaar loo leeyahay oo ka hawlgasha dhinaca duulimaadyada dalka.

Mudo hada laga joogo laba sanadood ka hor ayaa diyaarad kale helicopter oo ay lahayd isla shirkadani ayaa ku burburtay meel u dhow madaarka caalamiga ah ee Bole.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA