Kenya Oo Ka Mid Noqonaysa Dalalka Xafiisyada Diblomaasiyadeed Ka Furtay Somaliland

Nairobi, (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa doonaysa inay xidhiidh diblomaasiyadeed ay la yeelato Somaliland, waxaanay wakiil u diraysaa inuu caasimada Somaliland ee Hargeysa uu xafiis uga soo sameeyo.

Dalka Kenya ayaa ku soo biiraya dalalka Ethiopia iyo Djibouti oo xafiisyo diblomaasiyadeed ku leh Jamhuuriyada Somaliland.

Sida uu maanta bogiisa hore uu ku daabacay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya oo Telefishanka HCTV uu soo xigtay.

Kaas oo sheegay in Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Kenya ay usoo astaysay Somaliland Mr Philip Mundia Githiora inuu xafiis diblomaasiyadeed oo Kenya ay leedahay uu ka soo sameeyo Somaliland kadib markii ay wadahadalo yeesheen Xoghayaha Golaha dawlada Kenya Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil.

Dr Juma ayaa sidoo kale kulan degdeg ah la yeelatay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Taasina waxay keentay in Dr Juma ay warqad u qorto madaxa hay’adda shaqaalaha dawladda Joseph Kinyua si looga talo galiyo xafiiskaasi diblomaasiyadeed ee Kenya ay ka samaysanayso Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Muuse Biixi Madaxweynaha ka yahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA