SOOL: Ciidammada Somaliland Oo U Hanjabey Puntland

Boocame (HCTV) – Taliyaha Ciidammada Somaliland ee degmada Boocame ee bariga Gobolka Sool, Axmed Jaamac Cartan ayaa farriin u diray Ciidammada Puntland oo uu sheegay inay sheeganayaan Mulkiyadda dhulka Somaliland ee bariga.

Taliye Cartan oo qayb ka ahaa Wefti Maamulka Degmada Boocame ah oo kormeeray illaa 10 Tuulo oo hoos taga degmada Boocame, ayaa hadal uu u jeediyey Ciidammada deggan degaannada uu marayey, wuxuu digniin u diray Odayaasha Puntland oo uu sheegay inay sheeganayaan dhulka Somaliland, isagoo hoos u dhigay jiritaanka Ciidan Awood leh oo xilligan Puntland leedahay.

Taliyaha Ciidammada Somaliland ee Boocame oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Imika Ciidan ma jiro ee waxaanu digniin siinaynaa Odayaasha Puntland, waxaanu u soo jeedinaynaa inay ka fogaadaan degmada Boocame iyo dhulkay qayd-qaydanayaan. Waxaanu ballan-qaadaynaa in sidaad dhulkayaga u damaacideen inaanu kiina u damaacino, Garoowe-na ay meel innaga dhaxaysa ay noqoto.”

Cartan waxa kale oo uu sheegay “Waad aragtaan Ciidankayagu waa heegan, Ciidankii Qarankuna heegan weeyaan, haddii aad ka bixi waydaan dhammaan xuduudka Somaliland, waxaanu qaadan doonaa waajibaadkayaga..”ayuu yidhi.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidammada Milletariga ee Somaliland iyo  kuwa Puntland ay isku hor-fadhiyaan deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool, halkaasi oo dhowr jeer Dagaal khasaare badan keenay uu ku dhex maray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka