Nooca Maaddo Ku Jirta Shidaalka Somaliland La Keeno Oo Go’aan Laga Soo Saaray

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegy in Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera lagu shubay Shidaal ay ku badan tahay Maaddada Silver oo dhibaato bulshada ku keeni karta.

Wasiirku wuxuu sheegay in markii ay ogaadeen in Haamaha Kaydka lagu shubay Shidaal Silvertu ku badan tahay ay Wasaaraddiisu go’aan ku gaadhay inaan Dalka la keenin Shidaal dambe oo Naafto ah oo ka badan 500 PPM.

Wasiir Sacad oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nasiib-darro, Shaybaadhka Shidaalka ma jirin wax lagu qiyaaso Silver-ka, arrintaa markaanu ogaanay waxa la sameeyay dalab, waxaanu dalbaday Qalabkii lagu qiyaasayey Silver-ka Shidaalka ku jira, dabadeed markaanu u kuur-galnay shidaalka aynu dalka ku isticmaallo wuxuu yahay, waxaanu ogaanay 5 kun oo PPM ah (Cabbirka shidaalka lagu qiyaaso), 7 iyo 8 kun baanu waanu aragnay..”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “Macnaheedu wuxuu yahay in Caafimaadkii si fool-xun ayaa marka Shidaalka Silver-tu ku badan tahay uu u taabanayaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxa go’aan ah, marka laga reebo wixii dalabaad ah ee aynu hore u ogolaanay ee Wasaaraddu saxeexday, Shidaal dambe oo Naafto ah oo 500PPM ka badan aan dalka la keeni karin..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka