Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Villa Media

Hadaljeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing, Sebteembar 04, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Shuyuuciga Shiinaha, Mudane Xi Jinping,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa,

Madaxweynaha Rwanda isla markaana ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Paul Kagame,

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Musa Faqi Maxamed,

Madaxda Dowladaha, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf ii ah inaan hadaljeedin ku yeesho kulankan muhiimka ah ee iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Ugu horrayntii, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha soo dhawayntoodii diirranayd iyo martisoorkii aniga iyo waftigayga loo fidiyey, intii aannu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee Beijing.

Sidoo kale, aniga oo ka faa’idaysanaya fursaddan waxaan jeclahay inaan Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha iyo Jamhuuriyadda Koonfur Afrika oo si wadajir ah u shir guddoominayey Madasha Iskaashiga, uga mahadceliyo dadaallada baaxadda leh ee ay ku bixiyeen qabanqaabada shirkan.

Waxaan kale oo aan ugu hambalyeynayaa Jamhuuriyadda Senegal in ay noqotay dowladda la shir guddoominaysa Madasha soo socota dalka Shiinaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dalka Shiinuhu waxa uu taariikh ahaan Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrikaan ah ka taageeri jiray mashaariic waaweyn ee horumarineed.

Tan iyo markii la daahfuray shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika sannadkii 2000, waxa uu horseeday dardargelinta iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoona tilmaam u noqday sida ay Shiinaha uga go’an tahay iskaashi dhexmara dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Hubaashii, shirkani waxa uu ibo-fur u yahay sare u qaadidda iskaashiga dhinaca horumarka, wuxuuna abuurayaa madal ku dhisan wada hadal iyo kalsooni.

Shirka sannadkani waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah, sababta oo ah waxa uu ku suntan yahay guul taariikhi ah, maaddaama oo 18-kii sanno ee la soo dhaafay uu iskaashi miradhal ah dhexmarayey Shiinaha iyo Afrika.

Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wada hadallada iyo wadashaqaynta joogtada ah, taas oo keenaysa in qodobbo waxtar leh ka soo baxaan shirkan.

Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee “Dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal” iyo qorshe-hawleedkii Beijing.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Khudbaddii uu ka jeediyey Madaxweyne Xi Jinping furitaanka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, wuxuu ku soo bandhigay qorshe dhammaystiran oo wadashaqaynta Shiinaha iyo Afrika lagu xoojinayo.

Siddeeddii hindise ee uu soo jeediyey Madaxweyne Jinping iyo deeqihii uu Shiinuhu ballanqaaday waxay suurtagelinayaan in la iska kaashado dhinacyada muhiimka ah ee horumarineed si loo gaaro natiijooyin la taaban karo.

Dowladda Shiinuhu waxa ay ku ammaanan tahay fulinta ballanqaadyadeeda, waxaanna ku kalsoonahay in saddexda sanno ee soo socda wax badan la qaban doono.

Xiriirka ka dhexeeya Hindisaha Shiinaha ee Kaabayaasha Dhaqaalaha (Road and Belt Initiative) iyo hiigsiga 2063 ee Midowga Afrika waxa uu xoojinayaa yoolka horumar ee ay wadaagaan dadyowga Shiinaha iyo Afrika.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aynu kulankeenan ugu dabbaaldegno 40-guuradii ka soo wareegtay siyaasaddii Shiinuhu qaatay ee ku salaysnayd furfurnaanta iyo isbeddelka, taas oo muwaadiniin gaaraysa 700 oo milyan ka saartay saboolnimada. Waa guul aynu wax badan ka baran karno haddii aynu helno siyaasado waxtar leh oo lagu kaabay shaqo joogto ah. Waxaa sidoo kale laga baran karaa in nabadgelyada, ammaanka iyo xasiloonida aan la gaari karin haddii aan la daboolin baahiyaha asaasiga ah ee muwaadiniinta.

Soomaaliya waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada nabadgelyada, ammaanka, dawlad-wanaagga iyo siyaasadda la dagaallanka musuqmaasuqa.

Xeebaha Soomaaliya waxa ay taariikh ahaan marin u ahaayeen ganacsiga u dhexeeya Shiinaha, Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Haatan, hirgelinta Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), iyo ka faa’idaysiga khayraadkayaga dihan ayaa Soomaaliya u sahlaya inay hormuud u noqoto horumarka iyo isku xirnaanta gobolka.

Haddii aynu ka faa’idaysanno fursadahan dhaqaale, Soomaaliya waxay door weyn ka ciyaari kartaa barwaaqada iyo xasilloonida adduunweynaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan aaminsanahay in Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ay kaalin mug leh ka qaadan karto fududaynta maalgashiyada muhiimka ah iyo xiriirka dadyowga Shiinaha iyo Afrika, si loo gaaro horumar iyo faa’idooyin wadaag ah.

Maaddaama Soomaaliya ay dananayso joogtaynta xasiloonideeda iyo dardargelinta koboca dhaqaaleheeda, waxa ka go’an inay soo dhawayso dhammaan noocyada kala duwan ee maalgashiyada si looga faa’idaysto khayraadka dihan ee dalka, loona gaaro natiijooyin miradhal ah oo ku yimid wadashaqayn laga wada dheefayo.

Ugu danbayntii, aniga oo ku hadlaya magaca wafdigayga iyo kan shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iga guddooma salaan iyo bogaadin sarraysa. Waxaan dhammaanteen inoo rajaynayaa guul iyo wadahadallo miradhal ah.

Mahadsanidiin.