UCID Iyo KULMIYE Oo Sheegay In Aanay Doonayn In Doorashooyinku Mar Kale Dib U Dhacaan

Hargeysa (HCTV) –  Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa Maanta soo gunaanaday kulamo ay Maalmihii u dambeeyay la yeelanayeen Komiishanka doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo ku saabsanaa sidii loogu dedaal lahaa inaan doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannadu aanay mar kale dib u dhicin.

Sidaana waxa sheegay Masuuliyiin ka mid ah xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo Maanta Saxaafadda la hadlay, ka dib kulan gebogabo ahaa Shirarkii ay la lahaayeen Komiishanka Qaranka.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cabdinaasir Qodax oo ugu horeyn Saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Komiishanka waxaanu ka  wada-hadalnay Maanta iyo Maalintaa horeba in hawsha doorashooyinka iyo diwaangelinta loo dardar-gelin lahaa ee wakhtiga yar ee hadhay looga faa’idaysan lahaa, dib u dhac dambana aanay doorashooyinkaa ugu imanin, muddada wakhtiga uga hadhayna ay Dadka uga faa’ideeyaan, hawlo badan oo Server-ka ku saabsanaana iyo diwaangelinta way dhamaystireen, waxay noo sheegeen in 130 Qof oo berigii dhawayd kaadhadhku ka habsaameen inay diyaariyeen”.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa isaguna Saxaafadda u sheegay “Wixii aanu Komiishanka ka wada-hadlaynay oo ahaa go’aamadii aanu labada xisbi soo gaadhnay, waanu isla afgaranay..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka