Somaliland: Hay’adaha Oo Saddex Qaybood U Qaybiyey Nabadgalyada Dalka

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Mashruuc biyo soo-saar oo laga hirgelin lahaa degmada Ceel Af-weyn uu fashilmay markii labada beelood ku dagaalameen halkaasi.

Wasiir Kaahin oo khudbad ka jeediyey Hadhimo-sharafeed Hargeysa loogu sameeyay Madax-dhaqameed ka socda bariga Gobolka Sanaag oo Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Caasimadda Hargeysa, ayaa ugu horreyn sharraxay sida Hay’adaha ajaanibka ahi Somaliland ugu kala qaybiyeen Saddex qaybood, kuwaas oo kala ah, goobo la tagi karo, kuwo aan la tagi karin iyo kuwo la seexan karo.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qolada Ajaanibka ah markaan ku idhaahdo waxa loo baahana yahay inaad tagtaan Ceerigaab, Laascaanood, waxay ka hadlaan nabadgalyo darro, subaxdii Hargeysa ayay ka shaqo tagayaan oo Boorama ayay u shaqo tagaan, way seexdaan oo markay shaqadooda dhamaystaan ayay ka yimaaddaan. Saddex qaybood ayay dalka u kala qaybiyeen, Waa Cagaar, Cassaan iyo Huruud, Cagaarka waxay u yaqaanaan nabadgalyo, waad tagi kartaa, waad seexan kartaa, Maalgelin baad ku samayn kartaa, huruudda waxay u yaqaanaan waad tagi kartaa, waad ka shaqayn kartaa, laakiin ma seexan kartid, Casaanka waxay u yaqaanaan ma tagi kartid, waxba kama samayn kartid.”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “Tusaale, Caynabo illaa Sanaag bari Biyahoodu waa qadhaadh, Ceel Af-weyn baa Ceelal badan laga qoday, laakiin waxa loo doonay in Ceel af-weyn biyaha looga soo qaado meel la yidhaahdo ilad oo Ceel Af-weyn 42KM u jirta, mashruucii markii la sahamiyey ee la dhameeyay, biyihii la qiyaasay in deegaanka Ilad iyo illaa Ceel Af-weyn ku filan yihiib, Beebkiina halkii la soo dhigayey ay keeneen ayaa Ceel Af-weyn la isku dilay, saddex jeer ayuu Mashruucaasi gubtay, Waayo? Mashruuc walba xilligiisa hadduu socon waayo wuu gubanayaa, waayo? Waa qaadhaan ay dawlado bixiyeen oo ay eegtaan, markaa waxa keliya ee aynu  u baahan nahay waa nabadgalyo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka