Safiirka Ingiriiska Ee Somalia Oo Socdaal Ku Tagay Puntland

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kulan la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Somalia Ambassador Ben Fender oo socdaalkiisii ugu horeeyey ku tagay Puntland.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in maanta uu booqasho ugu yimid wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka UK ee Somalia, oo saaxiib dhow la ah Somalia, gaar ahaana Puntland.

“Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Somaliya.

Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay” Ayuu yidhi Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni.

Sidoo kale Safiirka Ingiriiska ee Somalia Ambassador Ben Fender ayaa sheegay in booqashadii ugu 1aad uu ku yimid Puntland, waxaanu bogaadiyey sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyey.

Waxaanu sheegay in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ay isla soo qaadeen siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo mashaariicda UK ka fuliso Puntland ee ay ka midka yihiin Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA