Dalxiise Maraykan Ah Oo Khiyaamaysay Afduubayaal Afrikaan Ah

Uganda (HCTV) – Haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Rag ku afduubtay dalka Uganda, markii dambe isku beddeleen ilaaliyayaasheeda.

Kimberly Endicott oo iyadoo dalxiis ah la Afduubay, ayaa waraysigii u horreeyay ee ay bixisay, waxay ku bilowday bani-aadamnimada ay kula dhaqmeen Afartii Nin ee Afduubay iyada iyo Ninkii Gaadhka ka hayey intii ay Dalxiisaka ahayd, Maalmo badan oo ka horreeyay markii Madaxa furashada lagu siidaayey.

Maalmo badan ayay Endicott iyo Gaadhkeedii la wada afduubay ee JP Mirenge Remezo ay Afduubayaashii la lugaynayeen xuduudka Uganda la leeyahay Jamhuuriyadda aan deggayn ee Congo “Illaa Cadceedu godka galaysay waanu soconay oo ay mugdi noqotay..” ayay Haweenaydu u sheegtay Telefiishanka CBS oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Waxay ka warrantay waxyaabo xiiso leh oo ay samaysay muddadii ay Gacanta ugu jirtay Afduubayaasha “Kor ayaan eegay, waxaan arkay Cir dhammaantii Qurux badan oo aanan noloshayda hore u arag..” ayay tidhi, iyadoo Sawir ka bixinaysa dhulkii ay la tageen Dadka Afduubay, waxaynta intaa ku dartay iyadoo inoo sharraxaysa siday u khiyaamaysay Raggii xoogga ku haystay “Waxba maaha in aanan hore u arag, laakiin markaasi waa marka aan isku dhul-dhigay anigoo feejigan..”

Wixii intaa ka dambeeyay, Endicott waxay tilmaantay inay ku jirtay hawl ay iyaga ku cajab-gelinayso, taasi oo ay ka dhaxashay in aanay bani-aadamnimo keliya u muujin Raggu, balse ay xitaa Caawiyaan “Waxaan xasuustaa aniguu dhulka ku sii dhacaya, waxaan maqlayaa JP oo leh “Alla Ilaahayoow sababtayda weeye..”, waxay intaa sii raacisay “Ma  xasuusta intaan dhulka jiifay (Waalla i taageeray ama Kiciyey)..”

Intaasi ka dib, waxay tilmaantay inay mid ka mid ah Afduubayaasha ka dalbatay inuu Qoorteeda ka duuliyo Kaneecada, taasi oo markii uu sameeyay ay sheegtay inay is waydiisay waxay u soo afduubayeen hadday sidan u daryeelayaan.

Endicott waxay sheegtay in wixii intaa ka dambeeyay uu ku bilaabmay xidhiidh caadi ah iyo Isfahan “Waxaan ula hadlayey sidaa aan Adiga (Weriyaha) kuula hadlayo oo kale..” ayay ku sheegtay Waraysiga, waxayna intaa ka dib sheegtay inay mar u suurto-gashay inay Inanteeda Telefoon kula xidhiidho, iyaga oo aan iska dhigayn inay la socodsiinayso in Afduub loo haysto “Mar baan awooday inaan Telefoon kula hadlo Inantayda, iyagaa ii ogolaaday..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in iyado oo aan Afduubayaasha ay la joogto aan dareensiinayn ay Inanteeda u sheegtay in Afduub loo haysto, markaasi ka dibna Inanteedu ka hawl-gashay sidii loo siidayn lahaa “Inantayda ayaa Qof walba u sheegtay waxa dhacay..” ayay Hadalkeeda raacisay.

Endicott waxay tilmaantay in shantii Maalmood ee ka horreeyay Maalintii la soo daayey ay socdeen Wada-xaajoodyada aakhirkii lagu soo daayey “Aakhirkii waxa la bixiyey Madax-furashadii, laakiin Anigu maan garanayn halka Lacagtu ka timid.”

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka