Ethiopia Oo Aas Qaran U Samaynaysa Madaxweyne Hore

Addis Ababa, April 27, 2019  – Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia Dr Negaso Gidada ayaa geeriyooday isagoo jira 76 sanadood.

Dr Negasso Gidada ayaa ku geeriyooday dalka Germany oo xaalad caafimaad uu u joogay. Waxaanu Madaxweyne ka ahaa dalka Ethiopia 1995-kii ilaa 2001-kii.

Dr Negasso ayaa sidoo kale dalka Ethiopia ka soo noqday Wasiirka Warfaafinta xiligii dawladda ku meelgaadhku ay ka talinaysay dalka Ethiopia.

Raysal Wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa tacsi u diray dadka dalka Ethiopia iyo qoyskiisa geerida ku timid Madaxweynaha hore, sida lagu sheegay war-saxaafadeed tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Ethiopia oo soo gaadhay Telefishanka HCTV.

Waxaanu xafiiska Raysal Wasaaruhu intaa ku daray in aaska qaran ee loo samaynayo Madaxweynaha geeriyooday ee dalka Ethiopia ay guddi u magacaabeen isla markaana ay ku hawlan yihiin wixii macluumaad ah ee aaskana ay dadka la wadaagi doonaan.

Si la mid Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Golaha Baarlamaanka dalkaasi, iyo dawladd deegaamada dalka Ethiopia oo dhan ayaa tacsi u diray dadka Ethiopia Geeridaasi ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Ethiopia.

Dr Nagasso Didada ayaa ku dhashay deegaanka Dembidolo oo ka tirsan Gobolka Oromia Region 75 sano ka hor, Dr. Negasso ayaa u shaqaynayey dalka Ethiopia 7 sanadood ka hor intii aanu iscasilin markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo xisbigii talada dalkaasi hayey. Waxaanu markiii dambe ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Andinet. Waxaanu Dr. Negasso uu ahaa Aabe laba caruur ah leh.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-ka