Dagaal Diblomaasiyadeed Oo Ka Curtay Iraq Iyo Bahrain

“Wasiirka Khaarajiga Bahrain Oo Wadaadka Shiicada Ah Ee Muqtada al-Sadr Ugu Yeedhay Ey, Ciraaqna Ku Tilmaamay Dal Ay Maamusho Iran.

Bagdad, (HCTV)- Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Ciqaar ayaa raaligalin ka dalbatay Bahrain rasmi ah inay ka bixiso kadib markii diblomaasi sare uu sheegay in Iran ay xukunto Baghdad isagoo ula jeeda wadaadka sare Shiicada ah ee Muqta Al Sadr.

“Kalmadaha ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha dibada Bahrain – waxay ka turjumaysaa diblomaasiyada Bahrain in ay weerar ku tahay Muqtada al-Sadr … [iyo] in aan gabi ahaanba la aqbali karin diblomaasiyad sidaa u dhaqmaysa,” sidaasi waxa yidhi Wasiirka arimaha dibada ee dalka Ciraaq oo War-saxaafadeed soo saaray.

“Waxay dhaawaceen Ciraaq, oo ah dal madaxbanaan, gaar ahaan marka Wasiirka Bahrain uu ka hadlayo in Ciqaar ay maamusho Iiraan oo daris la ah.” Ayuu yidhi Wasiirka arimaha dibada daka Ciraaq.

Hadalkan ka soo yeeshay Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Ciraaq ayaa yimid ka dib markii dhawaan Wasiirka Khaarajiga ee dalka Bahrain Khaaled bin Axmed uu ugu yeedhay Muqtada al-Sadr Ey, kadib qoraal uu soo dhigay twitter-ka, isla markaana uu ku cambaaraynayey dagaalka Yemen, Bahrain iyo Suuriya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA