Milatariga Iyo Mucaaridka Sudan Oo Heshiis Gaadhay

Khartoum, (HCTV) – Golaha Milatariga ee xukuma dalka Sudan Iyo Is-bahaysiga mucaaridka dalkaasi ayaa gaadhay heshiis ay mabaadiidsiisa guud uga dhigeen in la sameeyo gole cusub oo ka gooban Mucaaridka iyo Milatariga oo dalka gaadhsiiya doorasho.

Heshiiskan ay wada gaadheen Golaha Milatariga eek u meelgaadhka ah ee dalka Sudan iyo Is-bahaysiga Mucaaridka dalkaasi ee dibadbaxayada ka wada dalka Sudan ayaa yimid kadib kulan ay wada yeesheen sabtidii iyo Axadii maanta, kaas oo ay ku soo gabogabeeyeen heshiis dhigaya in dalka Sudan uu maamulo gole ay ka muuqaadaan mucaaridka iyo milatariga oo isku dhafan.

Hase yeeshee qodobadii la isku mari lahaa tan iyo intii ay jilbaha is dhigeen labada dhinac ee dalka Sudan ayaa waxa ka mid ah in labada dhinac ay isku mari la’aayeen ‘Milatariga oo doonayey in golaha cusubi uu ka koobnaado 10 xubnood, saddex xubnood la siiyo shacabka, todoba xubnoodna ay qaataan milatarigu.

Halka mucaaridku shirka soo dhigay qorshihiisa ah in Mucaaridku doonayo in golaha wadajirka ah ee la dhisayo uu ka koobnaado 15 xubnood, todoba ka mid ah la siiyo Milatariga, sideeda soo hadhayna ay qaataan shacabku.’

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA