UCID Iyo KULMIYE Oo Ka Shaqaynaya Ansixinta Xeerka Doorashada Wakiillada

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa Maanta kulan la yeeshay Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Kulankan oo Saxaafaddu dibedda ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa faahfaahiyey ujeeddada kulankaasi Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Prof Ebyan, waxaanu sheegay inay shir-guddoonka Baarlamaanka kala hadleen inay ansixiyaan xeerka dib loogu soo dooranayo Golaha Wakiillada ee muddada hor-yaallay.

Ebyan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo ah Labada xisbi e UCID iyo KULMIYE ee go’aanka ku gaadhay inay qabsoomidda doorashada ka shaqeeyaan, waxaanu Maanta la kulanay Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka, waxaanuna ka wada-hadalnay xeerka doorashada Baarlamaanka ee Muddada hor-yaallay Baarlamaanka sidii ansixin lahaa, si doorashadu u qabsoonto iyo arrimo kale oo ku saabsan saami-qaybsiga…”

Kulankan waxa Xisbiga Kulmiye ku matalayey Wasiirka arrimaha gudaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbigaasi, halka UCID-na ay matalayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Musharraxii Madaxwene ku-xigeenka, ku-xigeenka Xoghayaha guud iyo xubno kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka