“Taariikhdii Somaliland Ee Illaa Daraawiish Hala Soo Bandhigo..” Wasiir Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga diyaarinaysa Xuska 18-ka May ee sannadkan, ayaa ka hadlay Maalinta Xuskaasi dhacayo.

Wasiirka oo daba socda hadallo ay Masuuliyiinta Gobollada Dalka qaarkood ku sheegeen inay Maalmo kala gaar-gaar ah xusayaan, maaddaama oo ay Ramadaan gudaheeda la xusayo, ayaa sheegay in Xuska 18-ka loo dabbaal-degayo Maalinteeda saxda ah, waxaanu yidhi “Xuska 18-ka May waxa la qabanayaa Maalinteedii caadiga ahayd, maalintaas oo inoogu suntan Maalinta Qarannimada Somaliland. Waxa Dadku ku arbushmay sannadkii hore waxaynu qaddinay Hal Maalin, sababtuna waxay ahayd Ramadaan baa Maalin qudha ka horraynaysay, laakiin hadda bisha Ramadaan waxay noqonaysaa bisha shanaad Lixdeeda, illaa 12 maalmood baa markaa ka hadhaya Xuska 18-ka May, markaa suurto-gal way noqon wayday inaynu qaddino, sidaa darteed, markaa 18-ka May ayay noqonaysaa Maalinta dabbaal-deggu..”

Wasiirku wuxuu farriin u diray Shacabka “Dadweynuhu waa inuu maalintaa si wanaagsan ugu diyaar-garoobo, Magaalooyinka laga shaqeeyo Nadaafaddooda iyo Bilicdooda, Cid walba ay hoygeeda iyo Gurigeeda ganacsiga ay ka shaqayso..” ayuu yidhi, isagoo Maamullada Gobollada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Bilicda Magaalooyinka ay Hoggaamiyaan.

Dhanka kale, wuxuu soo jeediyey in la soo bandhigo Taariikhda Somaliland Maalmahan loo diyaar-garoobayo Xuska 18-ka may “Saxaafadda waxaanu kula talinaynaa, waa Maalintii Qaranimada Somaliland ee Qaranimada Somaliland hala soo bandhigo, Dadkeedii waayeelka ahaa hala waraysto, Taariikhdeedii illaa Ingiriiskii iyo illaa Daraawiish hala soo bandhigo..” ayuu yidhi, Wasiir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka