Hindiya: 20 Arday Oo Isdilay Kadib Natiijada Imtixaanka

Wasiir Chandrashekhar Rao Ayaa Soo Saaray Amar Ah In Dib Loo Xisaabiyo Waraaqaha Jawaabaha Ardayda Dhacday Imtixaanka, Waxaanu Sheegay In Imtixaanka Dugsiyada Dhexe Oo Lagu Dhacaana Aanay Dhamaadka Nolosha Ahayn

Hyderabad, (HCTV) – Arday kale oo ka tirsan dugsiga dhexe ayaa is diay sabtidii Telangana, taas oo 20 Arday ka dhigaysa tan iyo intii guddia Waxbarashada Dhexe ay todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqeen natiijada.

Dhacdadan u dambaysay ayaa gabadh 17 jir ahi ay dab is-qabadsiisay degmada Narayanpet.

Murugada ay ku dhalata marka ay ku guuldaraystaan hal maado oo imtixaanka heerka 12th ah, ayaa Sirisha ay iyaduna dab isku qabadsiisay gurigooda oo ku yaala xaafada Dhanwada oo ka tirsan degmada Narayanpet oo 160km u jirta Hyderabad.

Waalida Sirisha ayaa sheegay inay guriga ka maqnaayeen markii ay gabadhoodu is-gubtay, waxaanay sheegeen is sababta ay igu gubtay ay ahayd markii ay ku guulaysatay Maadada Zoology loo yaqaano ama barashada xayawaanka.

Guddida Waxbarashada Dugsiyada Dhexe (BIE) ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee sanadka 1aad iyo sanadka labaad ee heerarka (11th and 12th standard) bishan April l 18-keedii 2019-ka

Waxaanu maalintii Salaasadii uu ku dhawaaqay Wasiir Kalvakuntla Chandrashekhar Rao amar ah in dib loo xisaabiyo waraaqaha Jawaabaha ardayda dhacday imtixaanka. Waxaanu sidoo kale ka codsaday ardayda in aanay isdilin, waxaanu ku booriyey in imtixaanka dugsiyada dhexe oo lagu dhacaa aanay ahayn dhamaadka nolosha balse ay tahay tijaabo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA