Ethiopia Oo Abaal Marin Lagu Siiyey Martigalinta Qaxootiga Ugu Badan Afrika

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladda Ethiopia ayaa abaal marin lagu siiyey martiqalinta qaxootiga ugu badan ee Afrika ku sugan, waxaana abaalmarintaasi siiyey Xafiiska Xoghayaha ururka Midawga Africa.

Waxaana Abaalmarintaasi dalka Ethiopia u gudoomay Safiir ku xigeenka Safaarada Ethiopia ay ku leedahay dalka Merwan Bedri intii lagu gudo jiray kulankii 64th ee Midawga Afrika uu ku yeeshay magaalada Sharma El Sheekh ee dalka Masar.

Ethiopia ayaa ah dalka labaad ee martigaliya qoxoontiga Afrika waxaana kaalinta koowaad ku jira dalka Uganda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA