Basaas Imaaraadka U Shaqaynayey Oo Ku Dhintay Xabsi Turkiga Ku Yaala

Istanbul, (HCTV) – Mid ka mid ah laba nin oo la rumaysan yahay inay Basaasiin Imaaraadka Carabta ka tirsan ahaayeen ayaa la sheegay inuu isku dilay xabsigii uu ku xidhnaa dalka Turkiga, sida ay ku waramayaan warbaahinta caalamku.

Website-ka Turkiga ee Haberturk ayaa markii ugu horaysay daabacay war uu ku sheegay in nin laga shakisan yahay uu isku dhex diay xabsiga Silivri maalintii Axadii.

Hase yeeshee markii dambe ayaa dhimashada ninka ay cadaysay wakaalada wararka ee Anadolu inuu ahaa Basaas ka tirsan imaaraadka Carabta, balse dawlada Turkiga ayaa baadhaysa sida ay ugu suuragashay in ninkaasi uu is-dilo isagoo si gaar ah u xidhnaa.

Waxaanay Wasaarada Cadaalada ee dalka Turkigu ay sheegtay in la rumaysan yahay in ninkaasi uu dilkiisa u adeegsaday dharkii uu xidhnaa.

Waxaanu intaasi ku dareen in labada dhin la xidhay badhtamihii bishii April iyagoo sita dhalashada Falastiin, balse ay cadaatay markii dambe inay yihiin Mukhaabaraad ka tirsan Imaaraadka Carabta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA