Shiinaha oo Dhisay Masaajidka ugu Balaadhan Qaaradda Afrika.

Image result for Africa’s largest mosque has been completed with thanks to China

Aljeris-(HCTV)  Magaalada Al-Jeris ee caasimadda Aljeeriya waxaa laga hirgaliyay Masjid noqonaya kan ugu wayn qaaradda Afrika, waxaa uu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisu tahay 400,000 Mitir oo isku wareeg ah.
masji-jaamicani waxaa gudihiisa ku tukan kara 120,000 qof. waxaa uu sidoo kale leeyahay minaarad aad u dheer.

salka hoose masaajidankani, oo loogu talo galay in baabuurta la dhigto waxaa  hal mar uu qaadi karaa  7000 oo baabuur oo halkaasi la dhigan karo.

dhismaha masaajidkani ayaa socday 7 sanadood, waxaana ku baxday lacag ka badan $ 1 Bilyan oo lacagta Maraykanka ah waxaana uu dhigay Rikoodh Cusub oo caalami ah gaar ahaan qaaradda afrika oo aanuu ku oolin masaajid la mid ah.

madaxwaynihii dhawaan is casilay ee Aljeeria Cabdicasiis Bootafliiqah, oo isagu hirgaliyay Fikirka dhismaha masaajidkani, dhaqaale baddanna ku bixiyay ayaan ka qayb gali doonin furitaanka masjid-jaamicani taariikhiga ah sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaasi, maadaama dhawaan dadwaynaha dalkaasi ay ku khasbeen inuu ka dago xilka wadankaasi oo uu hayay 20 sanadood.

Image result for algeria president

Shiinaha oo saamayn sii kordhaysa ku leh dhismeyaasha kaabeyaasha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika, sida jidadka,tareenada,dhismeyaasha dawliga ah ee waawayn ayaa farsamooyinka shiinuha waxaa hadda  loo doorbiday dhismeyaasha cibaadada ee waawayn sida masaajidkani aljeeriya laga furay.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLNE-KA.

Image result for Africa’s largest mosque has been completed with thanks to China

Image result for Africa’s largest mosque has been completed with thanks to China

Image result for Africa’s largest mosque has been completed with thanks to China