Weerar Lala Beegsaday Kiniisad Ku Taala Burkina Faso Iyo Tirada Dadka Dhintay

Siligadji, (HCTV) – Dablay xubaysan ayaa weerar ay ku qaadeen dad ku cibaadaysanayey Kiniisad ku taala dalka Burkina Faso waxa ay ku dileen shan qof halka laba kalena la la’yahay weerarkaasi markii uu dhacay maanta oo Isniin ah sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amaanka ee dalkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalo yar oo ku taala waqooyiga dalkaasi oo la yidhaa Silgadji oo u dhow Djibo, oo ah caasimada gobolka Soum, waxaana wararku tilmaamayaan in laba qof la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

“Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa weearay kiniisad ay leeyihiin Protestant oo ku taala Silgadji, waxa ay dileen shan qof,” sidaasi waxa u sheegay Wakaalada wararka ee AFP oo HCTV ka soo xigtay, Sarkaal ka tirsan laamaha amaanka ee dalka Burkina Faso.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA