Wasiir Khaarajiyaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Ethiopia

Wasiir Khaarajiyaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Ethiopia

“Caarre Waxaan Leeyahay Halkaa Maanta Aad Joogo Yaanay Kula Dhaafin..” Maayar Muraad
Liibiya: Ugu Yaraan 40 Tahriibeyaal ah Oo Duqayn Lagu Dilay
Saldhigga Maraykanka Ee Jabuuti Oo La Geliyay Xaalad Deg-deg Ah
Somaliland: Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Dabdemiska Oo Shil Ku Geeriyooday
“Gabadhaas Masaajidka La Jaarka Ahi, Waxba Kamay Xishoon…” Qaar Ka Mid Ah Culimada Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Shamsudin Axmed, kadib markii safiirku uu booqasho ku tagay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland saaka subaxdii.

Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo war qoraal ah soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayuu Wasiirka Arimaha dibada Somaliland uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ambassador Shamsudin oo ah Wakiilka Qunsuliyada dalka Ethiopia ay ku leedahay Somaliland uu ku soo booqdo xafiiskiisa.

Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon in Somaliland iyo Ethiopia ay yihiin laba dal oo wadaaga Nabadgalyada iyo Xasiloonida, isla markaana ay ka wadashaqeeyaan guud ahaan amaanka gobolka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA

COMMENTS

%d bloggers like this: