Qiimaha Shidaalka Oo Kor Uga Kacay Imaaraadka

UAE (HCTV) – Qiimaha Shidaalka ayaa kor uga kacaya Dalalka Khaliijka carabta, gaar ahaan Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Guddiga Qiimaha u goysa Shidaalka ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Isniinta Maanta ku dhawaaqay in Qiimaha Qiimaha Shidaalka kor loo qaaday isla-markaana kor u kacaasi uu dhaqan-gelayo 1-da bisha Shanaad ee sannadkan 2019.

Qiimaha Dalalka Shidaalka soo saara ee la isku yidhaahdo OPEC ayaa 26-kii bishan Aprill waxay Foostada Shidaalka ahi siinayeen $ 72.38 dollars, laakiin Maalmihii ka dambeeyay waxa Qiimuhu kor ugu kacay $ 74.4 Dollars.

Imaaraadka, Halka Litir ee Petrol-ka ah waxa lagu daray 25 Filis oo dollar, halka Halka Litir ee Diesel-ka ah lagu kordhiyey 4 filis oo Dollar.

Halka Litir ee Diesel-ka ah ayaa bishan Aprill wuxuu ka marayey Suuqyada Imaaraadka Carabta 2.49 (Lacagta Imaaraadka), laakiin hadda wuxuu ku booday 2.53 Lacagta Imaaraadka ah, taasi oo ka dhigan in Qiimaha Shidaalku uu boqolkiiba 9 kor u kacay.

Kor u kaca qiimaha Shidaalka ayaa loo aanaynayaa inay sabab u tahay Cunaqabaynta Dawladda Maraykanku ku soo rogtay Dalka Iiraan, cunaqabatayntaas oo ay qayb ka tahay inaan IRAN wax shidaal ah dibedda u dhoofin karin, inkasta oo uu Trump qoraal uu ku baahiyey Twitter-ka ku sheegay inuu Dalalka OPEC oo Sucuudigu ka mid yahay kala hadlay inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka.