Hindiya Oo Dakhli Gaadhaya $43 million Ku Wayday Markii Pakistan Hawadeeda Xidhatay

New Delhi, (HCTV) – Dalka Hindiya ayaa waayey lacag gaadhaysa RS 300 crore oo u dhiganta 43 million oo dollar ilaa bishii February markii diyaaradeheega ka duula New Delhi ay mareen duulimaad ka dheer halkii ay mari jireen markii hore marka ay u socdaan dalalka Qaarada Yurub, Gacanka Carabka iyo Maraykanka.

Dhibaatadan ayaa dalka Hindiya soo wajahday markii dalka Pakistan uu hawadiisa xidhay xili labada dal ay dhexmartay bishii February 14-keedi xurguf iyo isku dhac ka dhalatay Qaraxyo Ciidamo Hindiya lala beegsaday xadka Kashmir ee dhinaca Hindiya Maamusho.

Waxaana diyaaradaha dalka Hindiya ee awal hore dul mari jiray hawada Pakistan ay keentay in marka ay ka duulaan caasimada dalkaasi ee New Dehi in saacado intii hore ka badan ay ku sii jiraan hawada, waxaana shirkadda diyaaradaha ee Hindiya ay maalin kasta waydaa Rs 6 crore oo u dhiganta $859,500 dollar oo kaga baxa shidaal dheeraad ah oo ay isticmaasho, kharashaad ku baxa shaqaalaheeda iyo duulimaadyada oo ay yaraysay.

Waxaana shirkada qaranka u adeegtaa ay soo dhigtay in Wasaarada Duulista iyo hawadu ay u qoondayso in magdhaw laga siiyo khasaarahaasi ay la kulantay shirkadda Air India.

“Shirkadda Air India waa ay nagaa soo xidhiidhay anaga arintan. Waxaanay nagu abuurtay walaac,” ayuu lagu yidhi War ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Duulista Hawada ee dalka India.

Waxaanu tilmaamay in duulimaadka Air India ay kaga soo kicitinto Delhi ee ay ku tagayso Maraykanka ay ku korodhay 2 ilaa 3 saacadood oo dheeraad ah, taas oo ay sababtay xayiraada dhinaca hawadda ee ay soo rogtay dalka Pakistan.

Waxaana sidoo kale la sheegay in duulimaadka Yurub ku socda ay ku korodhay laba saacadood oo dheeraad ah in diyaaradu ay ku gaadho taasina ay keentay in maaliyad farabadani ay halkaasi ku lunto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA