Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha oo La Damiyay

Posted by

Dab Xoog leh ayaa habeenkii xalay markale ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho  Gaar ahaan Suuqa loo yaqaano Suuq Khaliifa oo bil kahor sidaan oo kale dab qasaare Hantiyeed geystay u baabi’iyay.

Dabkan ayaa la sheegay in aan wax dad ahi wax ku noqon laakiin waxa jirta khasaare hantiyeed.

Ciidamada Damdamiska iyo kuwa Amamaanka ayaa gaadhay goobta waxana dedaal kadib ay ku guulaysteen in ay damiyaan dabka.

Suuqa bakaaraha ayaa dhawr goor ooh ore sidan oo kale dab uga kacay.

Image may contain: fire, sky, cloud and outdoor

Leave a Reply

%d bloggers like this: