Warbaahinta Caalamka Oo Wax Ka Qortay Xoolaha Somaliland Oo Loo Dhoofinayo Imaaraadka Carabta

Dubai, (HCTV) – Somaliland ayaa dhawaan bilaabaysa inay xoolo nool u dhoofiso bariga dhexe kadib markii ay heshiis wada gaadheen wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabtu, sida ay daabacday warbaahinta East African Business Week oo Telefishanka HCTV uu ka soo xigtay warkan.

Ayaa sheegay in markii Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaalkii labaad uu ku tagay Imaaraadka Carabta mudo ka yar laba bilood gudahood uu la gaadhay Imaaraadka Carabta heshiis xooloha lagu dhoofinayo.

“Waxaanu ku heshiinay Imaaraadka Carabta in xafiis wadajir ah oo ka shaqeeya dhoofinta xoolaha nool ay aasaasaan labada dal,” sidaasi waxa yidhi Professor Yassin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ah Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in hay’add ku haboon inay raacdo samaysa shuruucda xoolaha la dhoofinayo iyo hubinta caafimaadkooda ay samaynayaan.

Waxaana talaabadi ay kor u qaadaysaa gaar ahaan xoolaha loo dhoofinayo Moosimka xajka oo ay inaga xigaan wax ka yar laba bilood.

2016-kii ayay ahayd markii boqortooyada Sucuudi Arabia ay ay ku dhawaaqday in xoolaha Soomaalida ee dalkeeda loo soo dhoofiyo gaar ahaana Idaha iyo Riyaha ay joojisay sababo caafimaad awgeed, taas oo ahayd lacagta adage e dibada ee soomaalida soo gasha.

Tan iyo xiligaasina waxa jiray xoolaha tirayo yar oo ka yimaada Somaliland oo gali jiray Jeddah oo ruqsad loo siiyey.

Somaliland oo istaraataji ahaan ku taala goob muhiim ah ayaa heshiisyo lagu balaadhinayo dekeda Berbera la gashay shirkadda Dubai fadhigeedu yahay ee DP WORLD.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA