Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay

Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay

Hargeysa: Madixii Hore Ee Sirdoonka DDSI Oo Loo Gacan Galiyey Jigjiga
Xeryo Ay Ka Guureen Qoxooti Soomaaliyeed Oo Kenya Lagu Wareejiyey
Amiirka Qatar Oo Madaxweyne Trump Kula Kulmay Washington
Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamadada Burco Ayaa Madaxweynaha Ku Dhaliilay Inaanu Ka Soo Qayb Galin Qalinjabintoodi
Jabuuti Oo Hoggaaminaysa Dalalka Geeska Afrika Ee Uu Ka Jiro Covid_19

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ka mid ahaa Macalimiinta Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ayaa Maxkamaddu ku xukuntay laba sanadood iyo Lix Bilood oo xadhiga ah, sida ay Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee xukumay.

Muwaadinkan Xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka, ka dib markii uu Qoraallo Aflagaado ku ah Diinta ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, sida Facebook.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi), ayaa sannadkiii 2012-kii ka mid ahaa Musharraxiintii ka qayb-galay doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo wakhtigaa iska soo sharraxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, inkasta oo aanu doorashadaa ku soo bixin ama ku guulaysanin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: