Deg-deg: Xildhibaannada Wakiillada & Guurtida Oo La Isugu Yeedhay

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa la iskugu yeedhay fadhi aan Caadi ahayn.

Fadhigan oo Qabsoomaya 2-da bisha 5-aad, 2019 ayaa waxa si wada jir ah u iclmaamiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali.

Qoraalka Yeedhmada ah ee Xildhibaannada lagu ogaysiinayo inay fadhi aan Caadi ahayn isugu yimaaddaan oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV, ayaa u qornaa sidan:-

Ku: Xildhibaannada Baarlamaanka labada Gole (Guurtida/Wakiillada JSL)

 Ujeeddo: Fadhi Aan Caadi Ahayn

Mudaneyaal, sida ku cad qodobka 38-aad ee Dastuurka Farqaddiisa 6-aad, waxa lagu war-gelinayaa dhammaan Mudaneyaasha labada Gole (Guurtida Iyo Wakiillada) inay isugu yimaaddaan fadhi aan Caadi ahayn, Maalinta Khamiista ee bishu tahay 02/05/2019, Saacuddu tahay 09:00 Subaxnimo, fadhigaasi oo ah mid muhiim ah.

Allaah Mahad Leh

 Baashe Maxamed Faarax                                                                         Siciid Jaamac Cali

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL                                                      Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

                                                                                                      /ahna ku simaha Guddoomiyaha Guurtida

 

 

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka