Somaliland: Degmooyin Ka Mid Ah Gobolka Sanaag Oo Xaalad Deg-deg Ah La Geliyey

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md.  Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer Madaxweyne ku soo saaray in xaalad deg-deg ah lagu soo roggo degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-adag oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xaaladdan Deg-degga ah ayaa socon doonta muddo Saddex bilood ah, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dhawayd Xarunta Madaxtooyada kula hadlay Afhayeenku.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya adkaynta amniga, isla-markaana xaqiijinaya bed-qabka Muwaadiniinta Dalka, wuxuu soo saaray Xeer Madaxweyne, waxaana Xaalad deg-deg ah lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Degmooyinkaas oo Bilihii u dambeeyay ay ku soo noqnoqonayeen Falal Amni-darro…”ayuu yidhi, Afhayeenka Madaxtooyadu, waxaanu intaa ku daray “Madaxweynaha Somaliland markuu arkay Dastuurka JSL Qodobka 92-aad, marku arkay dhibaatada Colaadeed ka jirta degmooyin ka mid ah Gobolka sanaag oo halis gelin karta nabadgalyada guud iyo Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka, markuu arkay Nabadgalyo darrada ku soo noqnoqotay Degmooyinka Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Bulshadu dedaallo naf iyo Maalba leh ka galeen, markuu arkay inay tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu qaaddo Tallaabo adag oo lagu joojinayo khataraha amni-darro, loona bedbaadiyo nafaha iyo Hantida Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu la tashi badan sameeyay Shir-guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Guddiga guud ee Nabadgalyada Qaranka, wuxuu go’aamiyey in Xaalad deg-deg ah lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo muddo saddex bilood ah…”

Xeerka Madaxweynaha u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah ku soo rogo Deegaannada Xaaladaha Amni-xumo ka jiraan ayaa loo gudbinayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, kaasi oo marka la ansixiyo Ciidammada awood u siinaya inay masuul ka noqdaan deegaannada Xaaladda deg-degga ah lagu soo rogay.

Amarka ka soo baxay Madaxweynaha oo dhaqan-gelaya marka labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyaan xeerkaasi, ayaa ku soo aaday ka dib, markii Shalay deegaanka Gar-adag lagu dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska ee degmada Gar-adag.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka