Milatariga Sudan Oo Digniin U Jeediyey Dibadbaxayaaasha Dalkaasi

Khartoum, (HCTV) – Milatariga dalka Sudan ayaa digniin u jeediyey Dibadbaxayaasha dalkaasi, waxaanay uga digeen inaan la aqbali doonin rabshado dalka Sudan ka dhaca.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka golaha Milatariga ee dalka Sudan, Maxamed Hemedti oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Khartuum.

Digniintan ka soo baxday milatariga dalka Sudan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii ay banaan baxayaashu ay sheegeen in aanay banayn doonin wadooyinka Khartuum ilaa inta dawladd rayid ah lagu wareejinayo xilka.

Golaha Milatariga Sudan ee ku meelgaadhka ah ayaa sheegay in ciidamadu aanay aqbali doonin degegaano la’aan dalku cagaha la galo, wax yar ka dib markii dadka dibadbaxayaa ay sheegeen in ciidamadu ay doonayaan inay meesha ka saaraan dadka dibadbaxaya oo ay xoog u adeegsadaan.

“Ma aqbali doono rabshado. Waxaanu u wajihi doonaa si kalsooni leh oo waafaqsan sharciga,” ayuu yidhi,” Maxamed Hemedti, oo ah Madaxweyne ku xigeenka golaha Milatariga ee daka Sudan oo warbaahinta kula hadlayey maanta oo Salaasa, waxaanu intaasi ku daray “Ma doonayno inaanu uga sii darno xaalada. Waxaanu diyaar u nahay wadaxaajood.” Ayuu intaasi ku daray Maxamed Hemedti.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA