Malaysia Oo Burburisay 4 ton Oo Fool Maroodi Ah Oo Qiimahoodu Gaadhayo $3.2 million

Malaysia, (HCTV) – Dalka Malaysia ayaa burburiyey ku dhawaad Afar tans oo Fool Maroodi ah oo qiimahooda lagu sheegay 13.26 million ringgit oo lacagta dalkaasi Malaysia ah, taas oo u dhiganta ($3.2 million oo dollar).

Burburintan dalka Malaysia uu ku burburiyey Foolashan Maroodiga ayaa qayb ka ah dagaal ka dhan ah ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga.

Sida uu sheegay Wasiirka, Khayraadka Dhulka iyo Biyaha ee dalka Malaysia Xavier Jayakumar, kaas oo sheegay in Foolashaasi Maroodiga lagu soo qabtay 15 hawlgal oo la qaaday intii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2017-kii.

Burburinta Foolshan Maroodiga ayaa warbaahinta dalkaasi loo soo bandhigay markii hawlgalka burburinta ay ka socotay goboka koonfurta ku yaala ee Negeri Sembilan.

Wasiir Jayakumar ayaa intaasi ku daray in la gubay oo gabi ahaanba la baabiiyey si aan loo xadin oo aan dib hadana suuqyada madow loogu iibin.

Waxaanu intaasi ku daray in Malaysia ay diyaar u tahay inay baabiiso dhamaanba ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta, gaar ahaana foolsha Maroodiga oo ay mukhalasiin sarsare ay soo galiyaan dalka Malaysia.

Tanina waa markii labaad ee Malaysia ay qaado talaabo lagu gubayo foolshan Maroodiga iyadoo hore u gubtay 9.5 tons oo fool Maroodi ah oo qiimahoodu dhan yahay $20 million oo dollar sanadkii 2016.

Foolasha Maroodiga ayaa laga sameeyaa qalab ay dadku isku qurxiyaan ama aqabyo qurux badan oo dadku ay guryaha dhigtaan oo ay aad u jecelyihiin dalalka qaarada Asia, gaar ahaana dalka China.

Waxaanay arintaasi keentay in aad loo laayo oo loo ugaadhsado Maroodiyo diro badan oo ku nool qaarada Afrika.

HORN CABLE TV,

Waaxda online-ka