“Shaqaalahu Waxay U dhabar-adaygaan Duruufaha Ay Ku Shaqeeyaan..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Maalinta berri ah oo ku began 1-da bisha shanaad, 2019-ka, waxa Dunida laga xusayaa Maalinta Shaqaalaha, sidaasi darteed ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu dhambaal Hambalyo ah u diray Shaqaale-weynaha Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed soo gaadhay HCTV, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-  

HAMBALYADA MADAXWEYNAHA EE MAALINTA SHAQAALE WEYNAHA.

Taariikh: 30 /04/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan…”

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.