Aas Hargeysa Loogu Sameeyay Muj. Axmed-Kanadi Sh.Ibraaim Sh.Cumar Sh.Madar

Hargeysa (HCTV) – Waxa Maanta Magaalada Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyay Mujaahid Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar Sheekh Madar (Axmed-kanadi), kaasi oo qayb weyn ku lahaa dib xorrayntii Jamhuuriyadda Somaliland.

Aaska Marxuumka waxa ka qayb-galay, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Mujaahidiintii SNM iyo Dadweyne kale oo aad tiro badan.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Xabaasha dusheeda Warbaahinta kula hadlay ayaa dhambaal Tacsi ah u diray ehelka, Qaraabada, Mujaahidiinta SNM iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, isagoo sidoo kalena ka warramay halgankii SNM iyo doorkii uu Marxuumku ka soo qaatay, waxaanu yidhi “Axmed-kanadi Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisa iyo Shacabka Somaliland-na Samir iyo iimaan haka siiyo. Axmed-kanadi wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii naftooda u hurtay Dalkan iyo Dadkani inuu xoroobo, halgankaa Maanta midhihiisii waalla hayaa, isagoo keliya maaha ee intii halgankaa ku dhimatay Ilaahay ajar haka siiyo.”

Cabdiraxmaan Aw Cali wuxuu ka warramay shaqsiyaddii Marxuum Mujaahid Axmed-kanadi “Marxuumku wxuu ahaa Nin Geesi ah oo dhallinyaro ah..” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa isaguna Dhambaal Tacsi ah u diray Ehelada Marxuumka, waxaanu ka warramay doorkii uu ku lahaa Halgankii SNM u soo gashay xorrayntii Somaliland, waxaanu yidhi “Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar Sheekh Madar (Axmed-kanadi), wuxuu ka mid ahaa Dadkii Waddankan xornimadiisa kaalinta weyn ku lahaa. Isagoon 20 jir gaadhin ayuu ka mid ahaa 19 Wiil ee lagu xidhay Qandala ee illaa Boosaaso lagu hayey ee dhibaatada badani ay gaadhay. Markii ay soo baxeena wuxuu ahaa Ninkii Hawl-galka ka fuliyey xaruntii ahaan jirtay Xarunta Xisbiga ee Timo cadde, Inamadii Hawl-galka ku jiray, isagoo habeenkaa Qaybtaas ayuu qaabilsanaa, haddana wuxuu ka mid ahaa 7-dii Inan ee Dilka lagu xukumay ee muddada lagu hayey Mandheera ee Dadkii halganka ku jiray ay soo furteen..”

Sheekh Aadan-Siiro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warramay noloshii Marxuumka ee sanadihii dambe “Axmed intii dambe duruufo badan ayuu la kulmay, Dadka iyo dalkana kama helin Xaqii uu ku lahaa, laakiin Qaddarkaa yimid, sidaa darteed Ilaahay SW waxaynu uga baryaynaa inuu Qabriga uga dhigo mid ka mid ah Jannooyinkiisa..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay baynu SW uga baryey inuu Ehelkiisii, Shacabka Somaliland iyo dadkii khayrka badnaa ee uu ka dhashayna uu Samir iyo iimaan ka siiyo, isagana waxaynu Ilaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto..”

 

Horn Cable

Waaxda ONLINE-ka