Hargeysa: Booliska Oo Xidhay Guddoomiyihii Garabka Dhalljnyarada Ee WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANi, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Sidaana waxa Xaqiijiyey Xoghayaha Duulista ee Xisbigaasi Nuuradiin Diini oo goor dhawayd barta uu ku leeyahay Facebook ku daabacay Qoraal sheegaya xadhigga masuulkan ka midka ah Xisbiga WADDANI.

Ciidammada Boolisku  kama hadal xadhigga Masuulkan, lamina oga sababta keentay Xadhiggiisa, balse Xadhiggiisaa ku soo beegmay, ka dib markii qoraal uu Shalay ku baahiyey facebook uu Dadweynaha Dadweynaha Gobolka Sanaag ugu baaqay inay diidaan Xaaladda Deg-degga ah ee Madaxweynuhu ku soo rogay, ka dib markii Laba Sarkaal oo Ciidammada Booliska iyo Asluubta ah la dilay,

“Kibirka iyo Keli-talisnimada Muuse Biixi, Gobolka Sanaag yaanay aqbalin. Suurto-gal maaha bandooda iyo Cabudhinta Milletari ee saddexda bilood la dul-dhigay..” ayuu Maxamed Sidiiq Dhamme ku yidhi qoraalkiisa uu Shalay baahiyey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka